4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 21, 2023
Nabadoon caan ahaa oo goordhaw lagu dilay magaalada Muqdisho

Talaado, Maarso, 21, 2023 (HOL) - Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa goordhaw gudaha magaalada Muqdisho ku dilay Allah u naxariistee Caaqil Muumin Cabdi Fiidow oo loo yaqiinay Muumin Gariig oo ka mid ahaa Nabadoonada ugu caansan magaalada Muqdisho.

Allah u naxariiste Nabadoonka ayaa dableyda hubeysneyd waxay ku dileen afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaala xaafada Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Marxuum Muumin Gariig oo si weyn looga yaqiinay Muqdisho ayaa si gaar ah waxa uu ka mid ahaa waxgaradka deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Magaalada Muqdisho waxaa horay loogu dilay Nabadoono iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beesha Xawaadle, wixii ka dameeyay markii uu Hiiraan ka bilwooday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.