4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 21, 2023
Maxabiistii Somaliland ku qabatay dagaalkii Laascaanood oo xaaladooda ka warbixiyay

Talaado, Maarso, 21, 2023 (HOL) - Maxaabiistii ay Somaliland kusoo qabatay dagaalkii Laascaanood qaybta ku xidhan Burco, ayaa warbaahinta u sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay, iyagoo beeniyay wararka sheegaya in la dhibaateeyay.

9 kamid ah maxaabiista Somaliland kusoo qabatay dagaalkii Laascaanood oo warbaahinta kula hadlay xafiiska taliyaha asluubta ee Burco, ayaa xaqiijiyay in si wanaagsan loola dhaqmay kadib markii lasoo qabtay.

"Waanu nabad qabnaa ragayaagii dhawaan lagu soo qabtay dagaalka, barabogaandhadu waa waxa dadka sii kala fogeeya, inta yada xidhan anaa u dhaawac liitay, aniga intaa waa layla tacaalaya, ragii kalena raajaa lasoo wada saaray, waxanu idin leenahay dad gob ah ayaa gacanta nagu dhigay" Mid kamid ah maxaabiista ayaa sida yidhi.

Mid kale ayaa isna sheegay in xaaladoodu fiicantayay "Laba bari ayaanu joognaa, waa barwaaqaysa nahay, 9 nin ayaanu nahay wixii dhaawaca ahaa waa la daweeyay, wixii uu u hadhsanyahyna si wanaagsan ayaa loola tacaalayaa".

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Nafaqo, oo goobta ka hadlay, ayaa sheegay in maxaabiista loola dhaqmay si wanaagsan oo dadnimo leh, isla markaana la ilaalin doono inta ay xidhanyihiin.

"Si wanaagsan oo dadnimo leh, oo xushmad leh, oo dhaqanka reer Somaliland ah, ayaa loola dhaqmi doonaa, waxan arkayay dad baraha bulshada barobogaadhno ka wada, oo leh maxaabistii dagaalka lagu qabtay waa la laayay" ayuu yidhi Nafaqo.

Sida uu Nafaqo sheegay guud ahaan gobolka Togdheer xaruntiisa Burco waxa soo gaadhay 12 maxbuus, waxa jooga xabsiga 9 maxbuus oo 3 dhaawac fudud tahay halka 3-da kale lagu dabiibayo isbitaalka Burco.