4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2023
Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyada Libya oo dib loogu soo celiyay Soomaaliya

Isniin, Maarso, 20, 2023 (HOL) - 11 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku dhibaataysnaa xabsiyada dalka Libya ayaa maanta dib loogusoo celiyay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guulaystay in dhallinyaradan lagasoo sii daayo xabsiyada ay ku dhibaataysnaayeen ee loo yaqaaano magafaha, kuwaas oo dadka lagu silciyo.

Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ah ergayga Soomaaliya u qaabilsan xaquuqda carruurta iyo muhaajiriinta, ayaa sheegtay in dhallinyaradan ay dhowr jeer isku dayeen inay dalka Libya ka tahriibaan.

Ergaygu waxay sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Tripoli ay kaalin weyn ka qaadatay dib usoo celinta dhallinyaradan.

Qaar kamid ah dhallinyaradan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay dalkooda dib ugusoo laabtaan, iyagoo u mahad celiyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay soo celintooda.

Sanad kasta boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa xabsiyada u gala iyagoo doonaya inay si sharci darro ah ku galaan Yurub. Libyana waa meelaha ugu halista badan ee Soomaalida looga qaato madax- furashada kumanaanka dollar.

Qaar ayaa sidoo kale ku dhinta badaha marka ay madax furasho iska bixiyaan, inkastoo sanadihii ugu dambeeyay uu tahriibka Libya hoos u dhacayay.