4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2023
Waa imisa tirada ciidamada Uganda u tababartay Soomaaliya?

Isniin, Maarso, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay dalka Uganda tababar ugusoo xiray 2,900 oo askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamadan ayaa muddo afar bilood ah wuxuu tababar uga socday xarunta tababarka ciidamada ee degmada Butiaba –Bulisa.

Madaxweynha dalka Uganda, Museveni ayaa sheegay dalkiisu inuu garab taagan yahay soo celinta amniga Soomaaliya iyo dhismaha ciidamada qaranka ee Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda dalka uu yahay dagaal ay u midaysan yihiin shacabka iyo ciidanka.

Wuxuu uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheikh tallaabada uu qaaday isagoo xusay in qaar ka mid ah askarta tababarka loo soo xiray ay ka kala yimaadeen magaalooyinka kale ee caalamka si ay u bartaan xirfado ay dalkooda ku difaacaan.

Wuxuu sheegay in tababarka ay qaateen ciidamada Soomaaliyeed uu ahaa mid heer farsamo ah oo loogu talo galay argagixisada.