4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 19, 2023
Tartan dhinaca orodka ah oo loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo maanta ka dhacay magaalada Jigjiga


Axad, Maarso, 19, 2023 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida lagu qabtay tartan dhinaca orodka ah, kaas oo ay ku tartamayeen qaar kamid ah orodyahannada degaanka Soomaalida, Ardayda Jaamacadda Jigjiga iyo xubno kale.

Tartankan orodka ah oo loogu magacdaray Sayid Maxamed Cabdille Xasan, ayaa waxay tartamayaashu ordayeen qiyaastii 5km oo orod ah, iyagoo ku ordayay qaybo kamid ah laamida magaalada Jigjiga oo maanta u xirnayd tartankan.

Gabagabadii tartankan ayaa waxaa la abaal mariyay tartamayaashii kaalmaha hore ka galay tartankan orodka ah, iyadoo dhinaca ragga kaalinta 1aad iyo 2aad ay kala galeen Xamse Xasan iyo Barkhad Maxamed, halka Asma Cismaanna ay kamid ahayd gabdhihii kaalmaha hore ka galay tartankan.

Inta badan tartamada noocan ah ayaa waxaa soo diyaariya Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo tartanka maantana uu tartamadii hore kaga duwanaa iyadoo tartankan loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo kamid ahaa halgamaayadii magaca weyn kulahaa dhulka ay Soomaalidu degto.