4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 19, 2023
Ciidanka Booliiska oo soo bandhigay tiradii ugu badneyd ee kooxaha Ciyaal weerada ah
 

Axad, Maarso, 19, 2023 (HOL) - Ciidamada Booliiska deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho oo holwgalo qorsheysan Xalay ka sameeyay xaafadaha deegaankaasi ayaa gacanta kusoo dhigay tiradi ugu badneyd oo Ciyaal weero ah.

Kooxdaan Ciyaal weerada ee ciidamada Booliiska gacanta kusoo dhigeen ayaa ku hubeysnaa Tooreeyo iyo Baangado oo ay ku dhibaateynayeen dadka shacabka ah ee ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Taliska Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in kooxdaan lasoo qabtay xili ay ku howlanayeen dhibaateynta dadka shacabka ah, kuwaas oo badan kooda laga soo qabtay xaafada Jabad Geelle ee deegaanka Ceelasha Biyaha, islamarkaana lagu xiray Saldhiga guud ee deegaankaas.

“Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal weerada iyo Burcadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana Taliska Booliska Qeybta Guud ka go’an sii laba jibaaridda howgaladaan, si ammaanka bulshada uu u noqdo mid sugan" ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Howlgalkaan ciidanka Booliiska kusoo qabteen kooxdaan Ciyaal weerada ah ayaa kusoo beegmaya, iyadoo habeen hore kooxaha Ciyaal weerada ay si arxan daro ah ugu dileen degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo caan ka ahaa degmadaas.