4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 9 , 2023
22 carruur ah oo ku geeriyootay qarax ka dhacay meel ku dhow degmada qoryooleey

Jimco, Juun, 9, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 22 caruur ah ayaa ku dhimatay, seddex kalena way ku dhaawacmeen, qarax maanta gelinkii hore ka dhacay degmada Qoryoolooy ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxaan ayaa lagu sheegay inuu ahaa gantaal ay ku ciyaarayeen carruurta, sida uu BBC u sheegay guddoomiyaha degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada hoose, Ibraahim Malabow.

Guddoomiyaha Qoryooleey ayaa sheegay, Qaraxu inuu ka dhacay  degaanka Murraale oo ah meel ay ka taliyaan Alshbaab, waxayna u dhaxeysaa qoryooleey iyo Jannaale.

Guddoomiyaha ayaa ku eedeeyay kooxda Alshabaab inay ka dambeeyeen falkaan, isagoo sheegay inay meesha ku qariyeen walxaha qarxa ee ay ku geeriyoodeen carruurta.

Wuxuu sheegay carruurta dhimatay 16 kamid ah inay yihiin wiilal, halka lix kalena ay yihiin gabdho. Wuxuu hadalkiisa ku daray carruurta geeriyootay inay ku jireen afar walaalo ah.

Waa tiradii ugu badnayd ee hal mar carruur intaas le’eg ay ku geeriyoodaan qarax.

Alshabaab oo ka talisa degaanka ay wax ka dhaceen ayaa sheegtay qaraxu inuu ahaa gantaas ay soo tuureen ciidamada ATMIS.