4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 9 , 2023
Uganda oo digniin adag u jeedisay ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya kadib weerarkii Buulo Mareer

Jimco, Juun, 9, 2023 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa waxay digniin adag u jeedisay ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya, kaddib weerarkii khasaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Buulo Mareer.

La-taliyaha Madaxweynaha Uganda u qaabilsan howlgallada gaarka ah, Gen Muhoozi Kainerugaba, ayaa uga digay ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan, inay ka labalabeeyaan ka hortagga Alshabaab oo uu sheegay inay aad khatar u yihiin.

Muhoozi oo tagay Soomaaliya ayaa uga tacsiyeeyay ciidamada weerarkii ka dhacday Buulomareer, 26kii May 2023.

Jeneraalka oo shantii maalmood ee ugu dambeysay ku sugnaa Soomaaliya ayaa la kulmay taliyeyaasha ciidamada Uganda, kuwii ka badbaaday weerarka Buulomareer iyo kuwii ku dhaawacmay.

Gen Muhoozi waxa uu ciidamada u sheegay in hoggaanka istaraatiijiyadeed ay ogaadeen meelaha ay ka liitaan ee sababay in Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadaan xerada Buulomareer, isagoo sheegay in arimahaasi ay isugu jiraan kuwo xeeladeysan iyo kuwo dibadda ah oo u baahan in wax laga qabto.

Wuxuu uga digay ciidamada inay nasasho galaan, balse taa beddelkeeda ay noqdaan kuwo dagaal u diyaarsan mar walba.