4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 9 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u shaacisay in 2000 oo kamid ah ciidamada ATMIS laga saarayo dalka bishan June
 

Jimco, Juun, 9, 2023 (HOL) - Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war rasmi ah  kasoo saartay dhimista tirada ciidamada ATMIS ee ku sugan dalka, iyadoo xaqiijisay in dowladdu ay ka go’an tahay inay mas'uuliyadda amniga kala wareegto ATMIS.

Wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay in 2000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS-ka laga saari doono Soomaaliya marka la gaaro dhamaadka bishan June 2023.

Wasaaraddu waxay sheegtay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay inay abuurtay ciidamo taageero ka helaya saaxiibadeeda caalamiga ah, kuwaas oo la wareegi doona mas'uuliyadda amniga 2000 oo kamid ah ciidamada ATMIS ah, kuwaas oo waajibaadkooda wareejin doona dhammaadka Juun 2023.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay raacayso oo ay dhaqan galinayso qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo dhigaya in la yareeyo tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ku sugan.

Dowladdu waxay magacawday koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban ATMIS iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) kuwaas oo kormeeri doona dhaqangelinta bixitaanka ATMIS.