4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 8 , 2023
Garaad Jaamac: Hadii Muuse uu ciidankiisa la bixi waayo indhihiisa oo shan ah ayaanu ka saaraynaa
 

Khamiis, Juun, 8, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu ciidankiisa ka saaro gobolada SSC isaga oo sheegay in ay xoog kaga saari doonaan hadii aanu la bixin.

Waxa uu sheegay in anay nabada diidanayn, lakiin ay difaacayaan dhulkooda oo uu sheegay in Somaliland kusoo duushay, isaga oo sheegay in dagaalka ay ku jiraan ay diinta qiil uga heleen.

"Anagu nabad ma diidanin lakiin marka gurigaaga lagu jiro, oo lagugu qabsado, anagu intaanaan dagaal qaadin culimada ayaanu waydiinay, culimadu waxay nagu yidhaahdeen ninka gurigaaga kugu yimaada hadii aanad iska celin dayuus ayaad noqonaysa" ayuu yidhi Garaad Jaamac.

Waxa uu sheegay in qabaa'ilka deegaanada wada dagaa ayna is haynin, lakiin ay is hayaan iyaga iyo xukuumada Madaxweyne Biixi isaga oo sheegay in Biixi uu ka qoomamoon doono dagaalka.

Madaxweyne Biixi ayuu ugu baaqay in uu ciidanka Somaliland ka saaro deegaanada SSC isaga oo sheegay in hadii sidaa la samayn waayo ay xoog ciidanka Somaliland ku saari doonaan.

"Waanu u sheegnay markuu diidayna waxaanu maanta idiin caddaynaynaa in aanaan anagu cidna duulaan ku ahayn, madaxweynahana waanu u sheegnay haduu hada ciidankiisa la baxayo waanu nabad galinaynaa hadiise uu ka bixi waayo indhihiisa oo shan ah ayaanu ka saaraynaa" ayuu yidhi Garaad Jaamac.

Garaadka iyo wafti uu hogaaminayo ayaa baryahanba ku sugnaa magaalada Muqdisho iyaga oo kulan la yeeshay madaxda dowlada federaalka.