4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 8 , 2023
Lionel Messi oo ku biiraayo koox yar oo 5 sano jirto oo saaxiibkiis uu leeyahay

Khamiis, Juun 8, 2023 (HOL) - Xiddigaan reer Argentine ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inuu si xor ah ugu biiri doono kooxda Inter Miami ee ka ciyaarto Horyaalka Kubadda Cagta Mareykanka “Major League Soccer” ee magaciisa loo soo gaabiyo (MLS).

Messi wuxuu hadda ka tagayaa naadiga haysto horyaalka Faransiiska ee Paris St Germain (PSG), wuxuu gadafka ku dhuftay inuu ku noqdo kooxdiisii hore ee Barcelona, sidoo kalana wuxuu diiday qandaraas qaali ah oo koox Sacuudi Carabiya ka dhisan ay u soo bandhigtay.

Haddaba waa tuma kooxda uu ku biiraayo Messi?

Naadiga Inter Miami CF, waxaa la aas’aasay Janaayo 29, 2018; mudo 5 sano ka hor, balse saddex sano ka hor xilli ciyaareedkii 2020-kii ayuu naadigaan bilaabay inuu ka ciyaaro horyaalka MLS-ka Mareykanka.

Inter Miami, xarunteedu waxay ku taallaa magaalada Fort Lauderdale ee gobalka Florida; waxaana iska leh DAVID BECKHAM - laaciibkii hore ee Kubadda Cagta u ciyaari jiray Xulka Qaranka Ingiriiska iyo kooxaha Manchester United, Real Madrid, AC Milan, Paris Saint-Germain iyo LA Galaxy.

Milkiilayaasha waxaa ugu sareeyo David Beckham oo Madaxweynaha naadigaan ah, inkastoo uu saammi ku leeyahay kooxdaan Jorge Mas Santos oo ah Bilyaneer Mareykan ah, ganacsade, sidoo kalana ah guddoomiyaha iyo maal-galiyaha ugu weyn ee shirkadda dhismaha MasTec.

David Beckham iyo Lionel Messi waa saaxiibo mar kawada ciyaari jiray horyaalka LaLiga ee wadanka Spain oo Barcelona iyo Real Madrid ay ka kala tirsanaayeen.

Mar kale ayay Inter Miami CF ku midoobi doonaan, iyadoo Messi heeshiis kiisa ay qayb ka tahay inuu saami ku yeesha kooxda - marka uu ciyaaraha ka fariisto ama uu howl-gab noqdo.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
Twitter @Najah_Moha