4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 8 , 2023
Somaliland oo ka jawaabtay bayaankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Khamiis, Juun, 8, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa soo dhawaysay bayaankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo dhinaca kalena sheegtay in ay ciidankeedu ay ilaalinayaan madaxbannaanideeda dhuleed.

Qoraal kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in Golaha Ammaanku uu u muuqday mid looga been sheegay xaalada dhab ta ah ee Laascaanood, isla markaana ay ciidamada Somaliland Laascaanood ka baxeen 26 February.

"Xukuumada Somaliland waxay soo dhawaynaysa bayaanka Golaha Ammaanka ee ku saabsan joojinta colaadda Laascaanood iyo in la abuuro xaalad nabadeed iyo gargaar aadaminimo oo aan la carqaladayn, lakiin Golaha Ammaanka waxa uu u muuqday in looga been sheegay xaqiiqada dhab ta ah, 26 February ayay ciidamada Somaliland ka baxeen Laascaanood, intaa kadibna difaac ayay kaga jireen dibada Laascaanood".

Warbixintu waxay intaa ku dartay in ay Somaliland walaac ku abuurtay in Golaha Ammaanku ku guuldaraysto in uu ogaado joogitaanka Al Shabaab ee Laascaanood iyo gobolka Sool, taasi oo aan khatar ku ahayn Somaliland oo kali ah balse waddamada jaarka iyo gobolkaba, isla markaana golaha ayay ugu baaqday in uu u dhug yeesho.

Waxa lagu sheegay in Somaliland ay wadahadal ku baaqaysay tan iyo markii ay bilaabantay colaadu lakiin garaadadu ay aqbaliwaayeen iyo in ay bixisay jid gargaar oo aan carqalad lahayn, iyo in ay xukuumadu gargaar cunto, biyo iyo adeeg caafimaad leh gaadhsiisay deegaanada ay dadku ku barakaceen.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ee Sool ay difaacayaan madaxbannaanida dhuleed ee Somaliland iyo xuduudaheedii la aqoonsaday markii ay madaxbannaanida qaadatay, isla markaana ay xuduudaha Somaliland waafaqsanyihiin qodobka 4aad ee sharciha dhulka Afrika.