4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 8 , 2023
SSC-Khaatumo oo soo dhawaysay warbixinta Qaramada Midoobay ee xaalada Laascaanood

Khamiis, Juun 8, 2023 (HOL) - Qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in SSC ay soo dhawaynayso bayaanka Qaramada Midoobay ee xaalada Laascanood.

"Qoraalka maanta ee Golaha Ammaanku waa talaabo muhiim ah oo ku aadan sugida nabada waqooyiga Soomaaliya, Golaha Sarre waxa uu markastaba ku baaqayay in maleeshiyaadka Somaliland ay ka baxaan dhulka SSC, taasi oo ah jidka kali ah ee nabada"

Waxa qoraalka Golaha SSC lagu sheegay in SSC ay Golaha Ammaanka ugu baaqayso in ay Somaliland ku qasbaan in ay ciidankeeda gayso Oog iyo meel ka shishaysa, isla markaana ay SSC fududayn doonto guuritaanka ciidanka Somaliland.

Waxa lagu xusay in Khaatumo ay ayidayso mabaadiida Qaramada Midoobay ee gargaarka bini'adamnimo isla markaana ay saaxiibada kala shaqaynayso in dadka la gaadhsiiyo gargaar aan la carqaladayn.

Somaliland ayay Khaatumo ku eedaysay in ay dhulka qaarkii ku aastay miinooyin, waxayna ugu baaqday in ay caddayso dhulkaa, inkasta oo Somaliland hore u beenisay sheegashada Khaatumo.

Ugu danbyntii, SSC-Khaatumo Golaha Ammaanka ayay uga mahadcelisay ilaalinta madaxbannaanida Somaaliya sida qoraalka lagu xusay.