4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 8 , 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhoweeyay go'aamadii golaha ammaanku kasoo saareen colaadda Laascaanood

Khamiis, Juun 8, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aammadii  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho colaadda Laascaanood.

Xasan Sheikh wuxuu sheegay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada.

Hadalkan ayuu madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay kulan casho Sharaf ah oo uu xalay la qaatay Isimada SSC ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Waxaa madaxweynaha ku wehliyay kulanka raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.

Si kastaba ha ahaatee, golaha ammaanka ayaa xalay soo saaray go’aamo ay ku sheegeen in si degdeg a ciidamada Somaliland looga saaro Laascaanood.