4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 7 , 2023
Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS iyo dowladda goboleedyada oo War murtiyeed laga soo saaray
 

Arbaco, Juun 7, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir labadii maalin ee lasoo dhaafay Muqdisho uga socday Wasiirada Maaliyadda dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa mudadii uu socday waxa  lagu gorfeeyay hanaanka Maaliyadda dalka, daqliga gudaha, arrimaha deyn Cafinta iyo qeybsiga Deeqaha Maaliyadeed ee Soomaaliya ka hesho Caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo xiritaanka Shirka ka hadlay ayaa sheegay in shirkaan Wasiirada Maaliyadda dowladda Federaalka, dowlad goboleedyadda iyo maamulka gobolka Banaadir uu ahaa mid diirada lagu saaray arrimaha Fedaraaleynta, maamul wanaagga iyo wadashaqeynta ka dhexeysa Wasaaradaha Hay'addaha Maaliyadda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

"Shirka inta uu socday waxaa looga hadlay arrimaha dib u habeynta Maaliyadda, horumarinta dhaqaalaha ,Mideynta Siyaasadda Canshuuraha dalka, mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka iyo Hay'addaha kale ee taageera Soomaaliya" ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Gabagabadii shirkaan labadii maalin ee lasoo dhaafay Muqdisho uga socday Wasiiradda Maaliyada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ee Maanta ugu dambeyn laga soo saaray War murtiyeedka ayaa waxaa ka qeyb galin Wasiirka Maaliyadda maamulka Puntland, waxaana xusid mudan in maamulka Puntland uu horay u shaaciyay iney u dhaqmayaan sidii dowladda madax banaan oo kale.

Hoos ka akhriso War murtiyeedka oo dhameystiran:-