4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 7 , 2023
Faahafahin Alshabaab oo weerar ismiidaamin ah ku qaaday saldhigga ciidamada Itoobiya ee Doolow

Arbaco, Juun 7, 2023 (HOL) - Alshabaab ayaa maanta weerar loo adeegsaday labo gaari oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa ku weeraray Ciidamada Itoobiya ee aan ATMIS-ka ahayn, kuwaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageeraya wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab.

Dowladda Sooamaliya ayaa sheegtay in la fashiliyay weerarkan oo lagu qaaday saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin magaaalda Doolow ee gobolka Gedo.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo dhacdadan xaqiijiyay, gaariga koowaad oo noociisu yahay Toyota Surf Hilux ayaa ku qarxay afaafka hore ee saldhigga, waxaana ka dhashay dhaawaca afar askari.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in baabuurkii labaad oo noociisu ahaa Suzuki SUV, ay ka hortageen ka hor intii aanu gaadhin saldhigga ciidamada.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee lala beegsaday ciidamada Itoobiya ee aan katirsanayn ATMIS, kuwaas dhawaan dalka u yimid dagaalka ka dhan ah Alshabaab.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa qeyb ka ah abaabul ballaaran oo ay uga qeyb qaadanayaan wajigii labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa hogaamin doona wajiga labaad, waxaana ka qeyb qaadan doona ciidamada dalalka deriska ah ee Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.