4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 7 , 2023
Xukuumada Somaliland oo sheegtay in golaha wakiiladu ku fashilmay in ay xilka ka qaadaan Cabdirisaaq Khaliif

Arbaco, Juun 7, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland oo ka hadashay dacwada ay ka gudbisay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegtay in ay dacwada gudbisay kadib markii golaha wakiiladu ku guuldraystay in uu Khaliif xilka ka qaado.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Guddaha Cabdillaahi Axmed Carshe, oo waraysi gaar ah siiyay MMTV, ayaa dacwada xil ka qaadista ah ee xeer ilaaliyaha guud ka gudbiyay Khaliif ku tilmaamay mid sharci ah.

"Golaha Wakiilada muddo 6 billood ah ayaa la sugayay, way ku fashilmeen, talaabo way ka qaadi waayeen, ee ay arkayeen Cabdirisaaq Khaliif in uu badheedhay in uu dagaalka ku jiro, markaa qodobka 79aad faqradiisa 2aad ayaa ogol in xeer ilaaliyaha guud uu dacwad ku oogo" ayuu yidhi Carshe.

6 ilaa 7 xildhibaan oo golaha wakiilada ka tirsan ayuu Carshe sheegay in ay hortaaganyihiin maamuus ka xayuubinta Cabdirisaaq Khaliif, kuwaasi oo uu ku eedeeyay in ay Khaliif la fikiryihiin.

Xildhibannada uu eedeeyay oo aanu magacyadooda xusin ayuu sheegay in sidookale dacwad lagu soo oogi doono, isaga oo eed uga dhigay in ay warbaahinta ka taageeraan guddoomiye khaliif.

Guddoomiye Khaliif ayaa qoraal uu shalay ku baahiyay bariisa Facebook ku sheegay in dacwada lagu soo oogay anay qiimo sharci lahayn, isla markaana awooda xil ka qaadistiisa ay leeyihiin golayaasha baarlamaanka oo kali ah.