4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 7 , 2023
Madaxweynaha Jubbaland oo maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo

Arbaco, Juun 7, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ka madax banaana maamulkiisa.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u magacaabay  guddoomiyaha gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac, halka guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadana uu u magacaabay Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu, waxaana sidoo kale guddoomiye ku xigeenka Maaliyada gobolka Gedo loo magacaabay Nasteex Axmed Saalax.

Magacaabistaan cusub ee gobolka Gedo oo uu sameeyay madaxweynaha Jubbaland ayaa imaaneysa, iyadoo Gedo ay horay u laheyd maamul ka madax banaan Jubbaland oo toos u hoos tagaayay Madaxtooyada Soomaaliya xiligii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Lama oga maamulkaan cusub ee loo magacaabay gobolka Gedo sida ay uga shaqeyn karaan halkaas, maadaama siyaasiyiinta gobolka Gedo ay si weyn u diidan yihiin Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, waxaana xusid mudan in marar badan laga hor istaagay gobolka Gedo iney tagaan siyaasiyiin iyo dad taageersan maamulka Jubbaland.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay maamulkii gobolka Gedo oo ku aadan magacaabista maamulka cusub ee uu sameeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Hoos ka akhriso Wareegtada magacaabista oo dhameystiran:-