4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 6 , 2023
Xisbiga Waddani oo sharci daro ku tilmaamay dacwada laga gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland

Talaado, Juun 6, 2023 (HOL) -Xisbiga Waddani oo sharci daro ku tilmaamay dacwad xil ka qaadis ah oo xukuumada Somaliland ka gudbisay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook dacwadan ku tilmaamay mid sharciga baal marsan.

"Warqadda Xeer Ilaaliyaha Guud u qoray Golaha Wakiilada ee ku taariikhaysan maanta iyo warqadda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare u qoray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda JSL waxa ay marag cad ka yihiin in awooddii Dastuuriga ahayd ee Golaha Wakiilada JSL ay toos ula wareegtay Waaxda Garsoorku" ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in maxkamada iyo golaha wakiiladu ay kala madaxbannaanyihiin, isla markaana hadii xildhibaan golaha kamid ah maamuus ka xayuubin lagu samaynayo uu golaha oo kali ahi awoodaa leeyahay.

Ugu danbayntii, golaha wakiilada ayuu ugu baaqay in ay ka falceliyaan talaabada maxkamada, isaga oo sheegay in maxkamadu sharciyadeeda lumin doonto hadii ay kusii socoto talaabadan.