4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 6 , 2023
Wabiga Shabelle oo markale Fatahaad cusub ka sameeyay magaalada Baledweyne

Talaado, Juun 6, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa Xalay markale fatahaad ka sameeyay xaafadaha Howlwadaag iyo Kooshin.

Fatahaadaan cusub ayaa imaaneysa, iyadoo dhawaan xaafadaha Baledweyne ay intooda badan ka baxeen biyahii ku fatahay bishii lasoo dhaafay sagaalkeedii guud ahaan xaafadaha Magaalada Baledweyne.

Waxaa sidoo kale fatahaadan ay imaaneysa, iyadoo qaar ka mid ah dadkii ka barakacay guryahadooda maalmo kooban ka hor ay dib ugu laabteen xaafadahaan uu Xalay markale ku fatahay wabiga Shabeelle.

Inkastoo biyaha cusub ee uu haatan wado wabiga shabeelle aysan xajmi ahaan dhameyn biyahii hore, hadana waxaa walaac xoogan ka qaba biyahaan soo rogaal celiyay markii labaad dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne.

Magaalooyinka Buula burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha uu sida daran fatahaada uga geystay wabiga Shabeelle.