4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 6 , 2023
Faahfaahino kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Talaado, Juun 6, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo Xalay ka dhacay guri ku yaala Xaafada Shiirkole degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Muqdisho ayaa la sheegay inuu ka dhacay guri uu ka dagan yahay xaafada Shiirkole taliyihii hore ee saldhigga Booliiska degmada Hodan Cabdifitaax Qoslaaye.

Qaraxa oo la tilmaamay inuu ahaa miino lagu dhajiyay qeyb ka mid ah guriga ayaa sababay dhimashada 4 ruux oo ka mid aha ilaalada taliyaha, islamarkaana tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Masuulka qaraxa lagu xiray gurigiisa oo dhawaan laga qaaday xilka taliyaha Booliiska Saldhiga degmada Hodan Cabdifataax Qosalaaye ayaa weerarka qaraxa ah ka badbaaday.

Weerarkan qaraxa ah ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii dambe amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu ahaa mid soo hagaagayay.