4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 5 , 2023
Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo Maanta soo gaartay Muqdisho

Isniin, Juun 5, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya soo gaaray Ergayga cusub ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

Catriona Laing oo dhawaan uu magacaabay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa ah diblumaasiyad sare, waxaana xilkaan oo loo magacaabay bishii lasoo dhaafay afarteedii ay kala wareegeysa Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo isna u dhashay dalka Mareykanka.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan imaado, waxaana rajeynayaa inaan la shaqeeyo saaxiibada qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee taageeraya shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed" ayay tiri Catriona Laing.

Gabagabadii Catriona Laing ayaa dhawaan u gudbin doonta madaxweyne xasan sheekh Maxamuud warqadaheeda danjirenimo, waxayna si weyn uga mahad celisay soo dhaweynta balaaran ee Maanta loogu sameeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.