4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 5 , 2023
Wasaaradda maaliyadda iyo bangiyada gaar ah oo isku afgartay inay la dagaalamaan lacagaha sharci darrada ah

Isniin, Juun 5, 2023 (HOL) - Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo madaxda Bangiyada gaarka ah, ayaa isku afgartay in la xoojiyo ka hortagga lacagaha sharci darrada ah iyo hannaanka lacag ka wareejinta Bangiyada iyo Xawaalahada.

Is-afgarashadan ayaa ka dambeysay kaddib shir ay magaalada Muqdisho maanta kuwada yeesheen wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka ka hawlgala.

Shirkaan ayaa diirada lagu saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo hannaanka Maaliyadda Soomaaliya.

Kulankaan ayaa sidoo kale looga hadlay hannaanka Maaliyadda Bangiyada iyo xoojinta ka hortaga lacagaha sharci- darada ah, sare u qaadid dakhliga gudaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shirka ka sheegay in ganacsatada iyo Bangiyada Soomaaliyeed ay lafdhabar u yihiin horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadida dakhliga gudaha.