4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 5 , 2023
Wasiir Alcaddaala: Weerarkii Masawagaa 9 askari ayaa nooga dhimatay, annagana waxaan ku dilnay 150 Shabaab ah

Isniin, Juun 5, 2023 (HOL) - Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdirxmaan Yuusuf Alcaddaala ayaa beeniyay inay Alshabaab hub iyo gaadiid dagaal kaga furteen ciidanka dowladda weerarkii dhawaan ka dhacay degaanka Masagaa ee gobolka Galgaduud.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo wareysi siinayay Universal Tv ayaa sheegay in ciidanka Dowladda laga gubay hal gaari oo wayn, khasaaruhuna yahay mid aad u kooban oo dowladdu ogtahay.

Wasiir Alcaddaala wuxuu sheegay hubka iyo gaadiidka ay soo bandhigeen Alshabaab inay yihiin kuwo been abuur ay dadka ku jahwareerinayaan. Wuxuu sheegay hubkaas iyo gaadiidkaas inay yihiin kuwo horey Alshabaab u qabsadeen.

“Baabuurtaa hadda ma aha. Sawiraddaasna hadda ma aha. Waa wax la isku sameeyay. Maxay hubka ugu kor hadli waayeen markii ay qabsadeen. Maxaynan calaamadaha Masagawaa dadka ugusoo bandhigin, ileen waala yaqaanaaye,” ayuu yiri wasiir Alcaddaala.

Alcaddaala wuxuu sidoo kale sheegay in tirada ciidamada kaga dhimatay weerarka Masagawaa inay yihiin 9 askari. Halka uu sheegay in Alshabaab laga dilay 150 dagaalame.

Dhinaca kale, wasiir ku xigeenka warfaafinta wuxuu sheegay dowladdu in aysan joojin dagaaladii ka dhanka ahaa Alshabaab. Wuxuu sheegay weli inay socdaan oo dhul badan la xoreeyay.