4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 5 , 2023
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo sheegay in Muslimiinta Itoobiya xuquuq aysan horey u haysan ay ka heleen xukuumadda Abiyi Axmed
 

Isniin, Juun 5, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo ka falceliyay xaaladda maalmahan ka taagan Addis Ababa ee ku saabsan Masaajidda laga dumiyay degaanka Oromiya, ayaa ku ammaanay xukuumadda Abiyi Axmed inay Muslimiinta Itoobiya u qabatay waxbadan oo aysan horey u haysan.

Madaxweynuhu isagoo taa ka hadlaya waxa uu bartiisa Facebook kusoo qoray sidan " Taariikhda Itoobiya dawlad Muslimiinta dalku ay ka heleen xorriyadda diimeed, xuquuqaha siyaasadeed, muujinta (shacaacirta) diintooda inta ay ka heleen Dawladda uu Hoggaamiyo RW Abiy Ahmed iyo Xisbiga Barwaaqo ma jirto".

Madaxweynuhu isagoo qoraalkiisa sii wata waxa uu sheegay in dhib kasta oo yimaadda aan marnaba la dafirin xaqiiqada jirta, " Way haboon tahay in laga gilgisho wixii dhibaatooyin ah ee la soo darsa Muslimiinta, balse in laga been sheego xaqiiqda jirta ama la dafiro wixii wanaag ah ee jira maaha. Waa in wax walba si waaqici ah loo wajaho".

Ugu dambayn Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa farriintiisan kusoo gabagabeeyay tacsi uu u diray Muslimiinta Itoobiya, isagoo yiri " Waan ka tacsiyeeynaynaa shuhadada dhibtu soo gaadhay. Waan qaadanaynaa doorka nagaga aadan in ayna dib u dhicin arimihii sababay dhimashada".

Qoraalkan Madaxweyne Mustafe cagjar ayay dad badan oo Muslimiinta Itoobiya ah siyaabo kala duwan uga falceliyeen, iyadoo intooda badan ka cadhooday hadalka Mustafe cagjar ee ah in xukuumadda Abiyi Axmed ay Muslimiinta wax u qabatay xilli la duminayo Masaajid badan oo degaanka Oromiya ku yaallay, kuwaas oo dowladdu sababo aan lagu qancin u samaysay dumintooda.

Labadii toddobaad ee u dambeeyay ayaa waxaa caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ka taagneyd xaalad cakiran oo ka dhalatay masaajiddo dhowr ah oo laga dumiyay degaano kamid ah gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya, taas oo Muslimiinta Itoobiya ay ka falceliyeen iyagoo banaanbaxyo ka sameeyay qaybo kamid ah dalka Itoobiya, inkastoo dowladu aysan si faahfaahsan uga hadal arrintan haddana waa mid taagan ilaa maanta.