4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 5 , 2023
Magaalada Baydhabo oo lagu soo bandhigay Al-shabaabkii ugu badnaa oo isa soo dhiiba

Isniin, Juun 5, 2023 (HOL) - Ciidanka Nabadsugida maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kusoo bandhigay 10 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay.

Xubnahaan isa soo dhiibay ee lagu soo bandhigay Baydhabo ayaa la sheegay iney ka tirsanayeen kooxda jabhadaha lagu magacaabo ee shabaab u qaabilsan dagaalada iyo weerarada khatarta badan.

Nabadsugida Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegtay in ragaan ay soo bandhigtay ay kasoo dagaalameen gobolo ay ka mid yihiin Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Mudug.

Xubnahaan lasoo bandhigay ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa Al-shabaab ee halmar isa soo dhiiba ama lasoo bandhigo, waxayna qaarkood sheegeen iney isku soo dhiibeen, si ay uga faa'ideystaan cafiska Madaxweynaha Soomaaliya iyo iney u adkeysan waayeen howlgalada culus ee xiligaan ciidamada dowladda ka wadaan inta badan gobolada dalka meelaha ay kaga sugan yihiin Shabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ah maamulka ugu badan oo ay isku soo dhiibaan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab isaga soo cararaya, maadama wali deegaanada Koonfur Galbeed ay ku xoogan yihiin Ururka Al-shabaab.