4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 4 , 2023
Ciidamada Booliiska Boosaaso oo gacanta ku dhigay koox tacaddi u geysatay qoys danyar ah

Axad, Juun 4, 2023 (HOL) - Ciidamada booliiska Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay afar nin oo qeyb ka ahaa koox hubaysan oo habeen hore qoys danyar ah hoygooda ku weeraray, iyagoo u geystay jirdil iyo handadaad.

Kooxdan ayaa baraha soo dhigay muuqaal ay duubeen iyagoo tacaddi gurigooda ugu geysanaya qoysaskan, waxaana muuqaalka kasoo muuqanayay Aabbaha, hooyada iyo qaar kamid ah carruurtooda.

Muuqaalka ayaa aad u qabsaday baraha bulshada, iyagoo dadku aad uga caroodeen, kuna tilmaameen fal fool xun oo xad gudub ku ah diinta islaamka, dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo xaquuqul insaanka.

Booliiska magaalada Boosaaso ayaa kaddib u suurto gashay inay gacanta kusoo dhigaan 4 kamid ah kooxdaan, halka mid kalena ciidamadu ay baadi goob ugu jiraan.

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Bari,  Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa sheegay falkaan inuu salka ku hayo aflagaado ay dad isugu geysteen barta TIKTOK, taasoo sabab u noqotay in qoys aan waxba galabsan ay dhibbanayaal u noqdaan arrintaas.

Taliyaha wuxuu sheegay in eedeysanayaasha sharciga la horkeeni doono, lana marindoono ciqaabtooda.