4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 3 , 2023
Maraykanka oo sheegay inuu saddex katirsan Alshabaab ku dilay duqayn ka dhacday Jubadda hoose
 

Sabti, Juun 3, 2023 (HOL) - Duqayn cirka ah oo uu fuliyay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano (Africom), ayaa lagu dilay saddex ka mid ah Al-Shabaab, sida ay sheegeen milatariga Maraykanka.

Africom waxay sheegtay in duqayntan ay ka dacday halka loo yaqaano Waynta oo qiyaastii 60-km Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

“Tallaabooyinka ciidanku waa qeyb ka mid ah dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso in ay si guud wax uga qabato caqabadaha dhanka ammaanka ah,” ayuu yiri taliska Africom.

Africom ayaa intaas ku dartay in aysan jirin dad rayid ah oo la dhaawacay ama la dilay duqayntan.

Duqeyntan ayaa ku soo aaday iyadoo ay sii kordhayaan weerarada Al-Shabaab ee ka dhanka ah ciidamada Dowladda iyo ATMIS.

Duqeymaha ayaa inta badan lagu bartilmaameedsadaa saraakiisha Al-Shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, halkaas oo weli ay Shabaabku ku xoogan yihiin gobolada qaar.