4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 3 , 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Ankara si uu uga qeyb galo caleemo saarka Erdogan

Sabti, Juun 3, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiye, si uu uga qeyb galo xafladda caleema saarka Madaxweye Erdogan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah wafuud ka socota 78 waddan oo lagu marti qaaday, si ay uga soo qeyb galaan xaflada caleema saarka madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Munaasabadda caleema saarka oo ka dhaceysa Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb galaya 21 Madaxweyne, 13 Ra’iisul Wasaare, iyo sidoo kale wakiillo heer Baarlamaan iyo heer wasiir ah, iyo wakiilo ka socda Hay’ado caalami ah oo ay ku jiraan, NATO, Ururka Midowga Yurub Iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Erdogan ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ku celiska ahayd ee Axadii lasoo dhaafay, isagoo helay 52.18% codadkii la dhiibtay.

Musharaxa mucaaradka Kemal Kilicdaroglu ayaa helay 47.82%, sida lagu sheegay natiijada kama dambaysta ah ee uu soo saaray guddiga doorashada ee dalkaas.