4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 3 , 2023
Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay masaajid laga dumiyey deegaanka Oromada ee magaalada Addis Ababa

Sabti, Juun 3, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in rabshado ka dhacay agagaarka Masaajidka Anwar ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii ay isku dhaceen dad Muslimiin ahaa oo ka banaanbaxayay Masaajidadii laga dumiyay degaanka Oromiya, iyo Ciidamada amniga ee magaalada Addis Ababa.

Dhacdadan oo dhacday salaaddii Jimcaha kadib ee maalinimadii shalay ayaa waxaa sidoo kale ku burburay meherado ay lahaayeen dad Muslimiin ah oo ka ag dhawaa Masaajidka Anwar, dad goob joogayaal ah oo ka ag dhawaa Masaajidkan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay maqlayeen rasaasta oo ka dhacaysa agagaarka masjidka, iyo Ciidamada Booliska oo gacanta ula tagaya dadkii banaanbaxa samaynayay, halkaas oo markii dambe ay Ciidamadu rasaas adeegsadeen.

Dowladda oo dhinaceeda ka hadashay arrintan ayaa fiidnimadii xalay waxay sheegtay in rabshadahan ay sidoo kale dhaawacyo kasoo gaareen dhinaca Booliska, iyadoo rabshadahana ku tilmaantay mid ay dhinaca ka riixayaan dad dano gaar ah leh oo ku gabanaya arrimaha diinta, kuwaas oo doonaya inay khalkhal diineed ka abuuraan dalka Itoobiya.

Billowgii toddobaadkii aynu soo dhaafnay ayaa magaalo lagu magacaabo Shager oo ku taalla gobolka Oromiya waxaa la dumiyay Masaajido dhawr ah, kuwaas oo dowladdu aysan faahfaahin dheeri ah ka bixin sababta loo dumiyay, isla markaana aysan dowladdu wax raalli galin ah iyo magdhaw midna ka bixin masaajiddan la dumiyay.

Muslimiinta ku dhaqan dalka Itoobiya ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay arrimahan ku saabsan masaajidda, inkastoo ay ka gaabisay dowladdu inay muslimiinta Itoobiya ka qanciso arrimahan ku saabsan masaajidda, haddana shacabka Muslimiinta ayaa marwalba ku baaqaya inay sii wadayaan falcelintooda ilaa jawaab waafi ah ka helayaan dhinaca dowladda Itoobiya.