Khamiis, Juun 15, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab ka sameeyay inta u dhaxeysa deegaanada Galcad iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.
newsinsideHowlgalka ayaa la sheegay in ciidanka ay ku dileen sadax xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay kusoo furteen gaari noociisu yahay NOHA iyo hubkii ay wateen xubnaha Shabaabka ee la dilay.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadashay warbaahinta qaranka ayaa sheegeen in ciidamada ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah dagaalyahanada Al-shabaab ee ku sugan gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanada hoostaga degmada Ceeldheer.
Howlgalkaan lagu dilay xubnaha ka tirsan Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay deegaano iyo degmooyin badan oo ka tirsan gobolada dalka ay ka wadaan howlgalo ay kula dagaalamayaan Ururka Al-shabaab, kaaso ay ku doonayaan in dalka kaga ciribtiraan Kooxda.