Sabti, Luulyo, 8, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa caawa Isku shaandheyn kooban ku sameeyay golihiisa wasiirrada, isaga oo wasiira cusub u magacaabay wasaaradaha Maaliyadda iyo Shaqada iyo Shaqaalaha.
1- Biixi Iimaan Cige - Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda
2- Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim - Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.
Sidoo kale, raysal wasaaraha ayaa Saadaat Maxamed Nuur Caliyow u magacaabay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha. Waxaana xilkan laga qaaday Ilyaas Cali Xasan oo mar soo noqday senotor katirsan aqalka sare.
Abuukar Jeylaani Sheikh ayaa sidoo kale loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Isbeddelkan cusub ayaa kusoo beegmay xilli dowladdu ku howlan tahay tallaabooyin ka dhan ah musuq maasuqa,