4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2023
Faahfaahino dheeri ah oo kasoo baxaya dabkii xalay qabsaday suuqii waynaa ee magaalada Jigjiga
 

Sabti, Luulyo, 8, 2024 (HOL) - Dab ayaa fiidnimadii xalay ka kacay suuqa wayn ee magaalada Jigjiga ee loo yaqaano Taywaan kaas oo khasaare laxaadleh gaystay, inkastoon wali aan la shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dabkaas.

Inkastoo wali aan la ogaan waxa sababay dabkan balse wararka qaar ayaa sheegaya in meherado ku dhexyaal suuqan dab ka kacay uu sababay gubashada suuqan wayn ee Taywaanka ee magaalada Jigjiga.

Dabkan ayaa billowday qiyaastii 11kii fiidnimo ee xalay iyadoo suuqani uu gabi ahaanba basbeelay oo aysan jirin meherad suuqan kutaalay oo ka badbaaday dabkan, inkastoo dadkii gurmadka u yimid ay isku dayeen inay meheradaha ka guraan alaabaha, haddana dadku intooda badan alaabtoodii maysan noqon mid badbaadda.

Suuqan ayaa waxa uu ka dhisnaa cidhifka magaalada Jigjiga, waxa uuna ka dhisnaa Jiingado aan aad u habaysnayn taas oo keentay inuu si dhibyar dabku ugu faafo suuqan, waxa kale oo sababay inuu dabkan sii faafo dabaylo xooggan oo dabka sii hurinayay.