5/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 26, 2023
Mucaaradka Puntland oo sheegay inay qabsanayaan doorasho xaq ah 8 january 2024
 

Arbaco, Luulyo, 26, 2023 (HOL) - Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa ku hanjabay inay doorasho gaar ah qabsanayaan siddeeda january 2024, haddii uu Madaxweyne Deni isku dayo inuu muddo kororsi sameeyo.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo kamid ah mucaaradka ugu weyn madaxweyne Deni, ayaa ku eedeeyay Deni inuu baarlamaanka ku aamusiyay laaluush, si ay ugu meel mariyaan ajendihiisa muddo kororsiga.

Xasan Shire waxa uu sheegay tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanku inay ahayd sharci ku tumasho iyo in madaxweyne Deni uu rabo inuu masiirka Puntland ka dhigo wax uu sida uu doono u maamulanayo, isagoo ka digay cawaaqibka xumada ka dhalan kara tallaabooyinka uu qaadayo.

Wasiirkii hore ee maaliyadda waxa uu sheegay in mowqifkooda uu yahay 8 january 2024. Wuxuu sheegay in mucaaradku doorasho xaq ah ay qabsan doonaan, haddii uu madxaweyne Deni isku dayo inuu muddo kororsi la yimaado.

Shalay baarlamaanka Puntland ayaa wax ka beddel ku sameeyay dastuurka, iyagoo ku daray qodobo oggolaanaya in la ballaariyo xisbiyada siyaasadda.