Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada oo ka hadashay diyaarad shil ku gashay garoonka Aadan Cadde


Talaado, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuuumadda Soomaaliya, Fardowso Ibraahim Cigaal ayaa sheegtay in labo qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen diyaarad shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

newsinsideWasiirka gaadiidka waxay sheegtay, diyaaraddan oo kasoo duushay magaalada Garowe in ay saarnaayeen 30 rakaab ah iyo afar shaqaale ah. Waxay sheegtay in aanay jrin wax dhimasho ah.

Wasiirku waxay beenisay inay diyaaradda saarnaayeen raysal wasaarayaashii hore, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxay sheegtay in uu socdo baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay shilka diyaaradda.