Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federalka inay la dagaalamayso nidaamka federaalka


Isniin, January, 9, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay waddo qorshe u eg in dalka mar labaad dib loogu celiyo nidaamka dowlad dhexe.

newsinsideMadaxweyne Deni ayaa sheegay labadii qodob ee uu dhawaan diiday inuu saxiixo, inay yihiin qodobo kasoo horjeeda nidaamka federalaynta dalka, islamarkaana u eg kuwo talada ay ku marooqsanayso dowladda federalka.

Deni wuxuu sheegay qorshaha la wado inuu kamid yahay, in dastuurka la meel mariyo iyadoo aan laga doodin qaddiyada Somaliland, gobolka Soolna loo xalaaleeyo Somaliland.

Deni oo xalay ka hadlayay xaflad uu ugu dabaal dagayay sannad guuradiisii 4-aad ayaa sheegay inuu maanta soo saaridoono warqad ku saabsan sida ay ula jaanqaadayaan marxalada cusub ee Soomaaliya ay wajahayso.