5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 26, 2023
Dowladda Soomaaliya oo markale ka hadashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood
 

Axad, February, 26, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa markale sheegay in dowladda Fedaraalka ay ka xuntahay dhibaatada wali ka taagan Laascaanood.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo hadal ka jeedinaayay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa xusay in mowqifka dowladda ee dagaalada ka socda Laascaanood uu yahay in si deg deg ah xabada loo joojiyo, isalmarkaana Somaliland ay ciidankeeda ka saarto magaalada laascaanood.

"Dowladda Soomaaliya waxay ka xun tahay dhibaatada ka socota Laascaanood waxayna markale ku baaqeysa in la joojiyo dagaalka oo ay Somaliland ciidankeeda ka saarto Laascaanood, waa laga soo gudbay waxa ka socda Laascaanood oo ah wax qadiimi ah dagaalkii saf u dirirka ahaa iyo duqeymaha burburka leh dowladda Soomaaliyana Mowqif cad ayay ka qaadatay oo ah in la joojiyo dagaalka ciidamadana laga saaro magaalada" ayuu yiri Wasiir arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo dagaalada ka socda magaalada Laascaanood ay galeen Todobaadkii sadaxaad oo xiriir ah, islamarkaana dadka ku dhintay dagaaladaasi ay kor u dhaafeen in ka badan 100 ruux kuna dhaawacmeen ku dhawaad 600 oo ruux, halka ay ku barakaceen in ka badan 185,000 oo qof.