4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2023
Puntland oo sheegtay dagaalada Laacaanood ka socda inay ku geeriyoodeen 200 qof
 

Sabti, February, 25, 2023 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay dagaalada ka socda magaalada Laascaanood inay ku geeriyoodeen dad gaaraya illaa 200 oo qof, ayna ku dhaawacmen in ka badan 500 oo qof.

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo qoraal soo saartay ayaa ku eedeysay ciidamada Somaliland inay gumaad iyo xasuuq ku hayaan shacabka Laascaanood.

Wasaaraddu waxay Somaliland ugu baaqday inay guud ahaan ciidamadooda ka baxaan gobolka Sool, si gurmadka bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka deegaanka.

“Marnaba qori caaraddiis iyo jajuub laguma joojin karo kacdoon iyo rabitaan bulsho, dadka deegaankaasina waxay xaq u leeyihiin in iyaga oo xor ah oo nabad ah ay go'aan masiiri ah ka gaaraan aayahooda iyo rabitaankooda bulsho,” ayay wasaaraddu ku sheegtay warsaxaafadeedka ay soo saartay.

Puntland waxay hay’adaha samafalka iyo kuwa caalamiga ahba ugu yeertay inay gacan bini’aadantinimo ka gaystaan sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ka barakacay magaalada Laascaanood iyo Deegaanada hoos yimaada.

Sidoo kale, in aan la carqaladayn, lana siyaasadayn dadaalka bini’aadannimo ee socda oo aan wax shuruud iyo xannibaad ah midna lagu xirin dhaqdhaqaaqa gargaarka.