4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 22, 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 80 katirsan Alshabaab lagu dilay howgal ka dhacay gobolka Mudug
 

Arbaco, February, 22, 2023 (HOL) - In ka badan 80 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ciidan oo ka dhacay deegaanka Shabeeloow oo u dhaxeeya deegaanada Qaycad iyo Bacaadwayne ee gobalka Mudug.

Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka isgarabsanaya ay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin wayn oo Shabaab ku lahaayeen deegaanka Shabeelow, waxaana howlgalkaan uu socday in ka badan 10-saacadood.

Ciidanka huwanta ah ayaa  si buuxda ula wareegay deegaanka lagu dagaalamay, waxaana sidoo kale la sheegay in nolasha lagu qabtay dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo qaarkood qaba dhaawacyo.  

Dhanka kale waxay dowladdu sheegtay inay jiraan dagaalamayaal gaaraya 14 oo isku soo dhiibay Ciidanka kawladda ee ku sugan gobalka Mudug.