Isniin, February, 13, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay kooxo hubeysan gudaha degmadaasi ay ku dileen Sheekh caan ka ahaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
newsinsideSheekha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Mukhtaar Sheekh Cabdi Xaamud, kaasoo kooxaha hubeysan dhowr xabadood ay ku dhufteen xili uu kasoo baxay Masaajidka uu imaam ka ahaa oo lagu magacaabo Maqaamul Ibraahim ee ku yaala wadada Jaayga ee degmada Wadajir
Dableyda fulisay dilka Sheekh Mukhtaar ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta, waxaana daqiiqado kadib gaaray goobta ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo halkaasi ka sameeyay howlgalo baaritaano ah, hayeeshee lama sheegin cid ay usoo qabteen falka dilka ah.
Majirto cid sheegtay masuuliyada dilkaan loo geystay Imaamka Masaajidka Maqaamul Ibraahim, wuxuuna dilkiisa qeyb ka noqonaya dilalka qorsheysan ee kooxaha hubeysan ka geystaan gudaha magaalada Muqdisho.