Axad, December, 31, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in dowladda Fedaraalka haatan aysan qorshaha ugu jirin iney qaadato deyn cusub.
newsinsideWasiir Biixi iimaan Cige ayaa sidoo kale xusay ineysan jirin deg deg siimo ay dowladda Fedaraalka ku dooneyso iney markale ku qaadato deyn cusub.
"Waxaa loo baahan yahay marka la qaadanayo deyn iney ku diyaarsan yihin mashaariicdii lagu fulin lahaa, dowladda Soomaaliya hada ayay kaso baxday deyn Cafin, mana jirto qorshe kale oo ay deyn cusub ay ku qaadan karto" ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.
Hadalkaan ayuu wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ka sheegay kulan su'alo lagu weydiinaayay wasiirka oo ka qabsoomay barta Internetka ee Twitter Space.

Dhinaca kale hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa shaacisay in Soomaaliya ay heli karto maalgelin dibadeed oo ay ka mid yihiin waxbarashada iyo shaqo abuurka si loo horumariyo nolosha Soomaalida.
Si kastaba ha ahaatee bartamahii bishaan Decembar ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya laga cafiyey lacagihii deymaha ahaa ee lagu lahaa sanado badan, kadib dadaalo sanado soo socday iyo shuruudo badan oo ay Soomaaliya ka soo gudubtay.