Faahfaahin wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha doorashada Puntland

 

Axad, December, 10, 2023 (HOL) - Maxkamadda dastuuriga ah ee dowlad goboleedka Puntland ayaa laashay go'aankii Baarlamanka Puntland uu ku ansixiyay mudda kororsiga halka sano ah.

newsinsideGo’aanka maxkamadda dastuuriga ah ayaa lagu sheegay, in muddo kororsigu baarlamaanku sameystay uu yahay, mid ka kahor imaanaya dastuurka, ayna ka dhalan karto dhibaato.

Go’aankaan maxkamadda kadib, baarlamaanka Puntland ayaa qorsheeyay inay kulan degdeg ah isugu yimadaan maalinta berrito ah, si ay uga hadlaan mowqifkooda ku aaddan go’aanka kasoo baxay maxkamadda dastuuriga ah.

Warar aan ka helnay ilo katirsan baarlamaanka waxa ay sheegayaan in baarlamaanku diyaarinayo mooshin ka dhan ah guddoomiyaha maxkamadda sare.

Dhinaca kalena, madaxweyne Deni ayaa caawa lagu wadaa inuu soo magacaabo guddiga kala saaridda xildhibaanada iyo xallinta khilaafaadka, kuwaas oo qaban doona araajida xildhibaanada ay soo xushaan qabaa’ilada Puntland.

La socda wixiii soo kordha.