5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 5 , 2023
Hoggaamiyaha fulinta SSC- Khaatumo iyo ku xigeenkiisa oo maanta lagu doortay magaalada Laascaanood

Sabti, Agoosto, 5, 2023 (HOL) - Hoggaamiyaha golaha dhexe ee fulinta SSC- Khaatuma iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta si rasmi ah loogu doortay magaalada Laascaanood.

Cabdulkadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), 51 sano jir ku dhashay degmada Taleex ee gobolka Sool, ayaa loo doortay hoggaamiyaha fulinta SSC- Khaatumo, halka ku xigeenkiisa loo doortay Maxamed C/ Ismail Shiine.

Mas'uuliyiintan ayaa lagu doortay doorasho qarsoodi ah oo ay cod bixiyaal ka ahaayeen 45-ka xubnood ee golaha dhexe ee SSC- Khaatumo.

Hoggaanka fulinta SSC- Khaatuma waxaa ku tartamay Cabdulkadir Firdhiye, iyo Maxamed Ismaaciil Bulaale, waxaana 30 cod helay Cabdiqaadir Firdhiye, halka uu 15 cod helay Maxamed Ismaaciil Bulaale.

Ku xigeenka SSC- Khaatumo ayaa loo doortay Mohamed Abdi Ismail (Shiine). Wuxuuna ka guulaystay oo la tartamay Dr. Addan C/Laahi

Hogaankan cusub ayaa la wareegaya dhamaan maamulka SSC oo awal madaxda dhaqanka dusha ka saarnaa iyo guddiga 33-da ahaa oo haatan hawshoodii ay dhamaatay.

Hoggaamiyaha cusub ayaa ballanqaaday inuu muhiimadda koowaad siindoono in doorashada lagu doortay aanay yeelan raad kala qeyb sanaan ah. Wuxuu kaloo sheegay inuu ka shaqayndoono midnimada shacabka SSC- Khaatumo iyo halganka xoraynta Sool.

Doorashadan waxaa ka qeyb galay golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo, kuwaas oo iyagu soo dhisay golaha dhexe ee fulinta. Sidoo kale waxaa ka qeyb galay xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka socday dowladda federalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare, Timma Cadde ayaa si diirran usoo dhoweeyay hoggaanka cusub ee SSC- Khaatumo.