5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 4 , 2023
Guddoomiye Faratoon: Burbur wayn ayaa ku dhacay gobolka Sool
 

Jimco, Agoosto, 4, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa sheegay in gobolka Sool ay colaadu soo gaadhsiisay burbur xoog leh, loona baahanyahay in laga hawl galo soo celinta nabada.

Prof: Faratoon oo ka qaybgalay xaflad ay u sameeyeen bulshada reer Sool ee degan magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in burbur dad gaar ahi ay u sababyihiin uu ka dhacay gobolka Sool.

"Burbur wayn ayaa ku dhacay Sool, iyo inta jiideeda ah ee deegaanka dadkaasi ay dagaan, runtii burbur aan la malayn karin ayaa ku dhacay, dee waxaana danbigeeda leh dadka iyagu burburka sameeyay ee u sabab ahaa" ayuu yidhi Prof: Faratoon.

Faratoon waxa uu sheegay in xukuumada iyo shacabka Somaliland labaduba ay diyaar u yihiin sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Laascaanood, isaga oona sheegay in colaad aan jirin laga dhex abuuray shacabka.

"Kuligeen masuuliyad ayaa inaga saaran waa in aynu ka hawl gala dadkeenana bad baadinaa, col idin lama aha reer Somaliland, Isaaq col idin lama aha, Samaroon col idin lama aha waa wax la abuuray" ayuu yidhi Prof: Faratoon.

Guddoomiyaha ayaa kadib markii uu Arbacadii si rasmi ah ula wareegay xilka guddoomiyaha golaha sheegay in isaga iyo goluhuba ay ka shaqayn doonaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa magaalada Laascaanood.

Faratoon waxa uu sheegay in kadib markii la doortayba uu u tafoxaytay sidii uu nabad uga dhexdhalin lahaa dhinacyada siyaasada isku haya, iyo bulshadaba, isaga oo kaashanaya xubnaha kale ee golaha.