9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 28, 2023
Madaxweynaha Jubbaland oo dhaliilay howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Galmudug

Isniin, Agoosto, 28, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo khudbad ka jeediyay xeritaankii shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa si adag uga hadlay dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn khudbadiisa ku bogaadiyay kaalinta madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan hoggaaminta dagaalka ka dhanka Ururka Al-shabaab oo uu u joogo magaalada Dhuusamareeb mudo ku dhaw hal bil.

Axmed Madoobe ayaa sido kale tilmaamay in dagaalka ka socda deegaanada Galmudug inuu yahay mid gaabis ku bilaawday, islamarkaana xusay in howlgalka sida uu u socdo iyo sida looga hadlaayo aysan aheyn wax isku dhigma.

"Hubka la wato dowladda waa u diiwaangashan yihiin, haddii uu dhab noqon waayo dagaalka uu meesha ka baxo hubkaasi, waxa fursad weyn heli doono kooxda Shabaab" ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska dul qaadaan kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay ka baxan gumeysiga ay ku hayso kooxda.

“Inta waligaa lagu gumeysan lahaa waxaan qabaa in dadku inay dagaalamaan, aan ka dhabeyno oo aan garano ciidankaas dagaalka ku jiraahi waxa ay u baahan yihiin waa shacabka sideedaba shacab ayaa dagaalama, waxay u baahan yihiin maanta nimankaan Khawaarijta ah kacdoon shacab oo la is wada daba galo” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa kusoo beegmaya, iyadoo haatan dowladda Fedataalka guulo la taaban karo ay ka gaartay howlgalada Al-shabaab looga xureynaayo deegaanada maamulka Galmudug.












Click here
8/28/2023 5:21 PM EST
Isniin, Agoosto, 28, 2023 (HOL) - Warsaxaafadeed ay soo saareen Maamulka SSC-Khaatumo, ayaa lagu sheegay in la soo afjaray joogitaankii Somaliland ee gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

8/28/2023 11:00 AM EST
Isniin, Agoosto, 28, 2023 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay Maanta dib ula wareegtay deegaanka wabxo.

8/28/2023 7:36 AM EST
Isniin, Agoosto, 28, 2023 (HOL) - Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay Golaha Shacabka Xisaab -xirka miisaaniyad sanadeedkii 2022.

8/28/2023 5:25 AM EST
Isniin, Agoosto, 28, 2023 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID ayaa soo dhaweeyay go'aankii ay khilaafka doorashooyinka Somaliland kasoo saareen guddida dhaqanku.

8/28/2023 4:48 AM EST
Isniin, Agoosto, 28, 2023 (HOL) - Saraakiisha sare ee Midowga Afrika, Soomaaliya, iyo Qaramada Midoobay ayaa billaabay kulamo wadatashi ah oo looga tashanayo wajiga labaad ee dhimista ciidamada ATMIS, bisha September, sida uu sheegay howlgalka Midowga Afrika.

8/28/2023 4:14 AM EST
Isniin, Agoosto, 28, 2023 (HOL) - Xisbiga Waddani ayaa ku dhawaaqay in uu is buuxda u aqbalay go'aankii ay guddida dhaqanku kasoo saareen khilaafka siyaasadeed ee Somaliland.

8/28/2023 2:51 AM EST
Isniin, Agoosto, 28, 2023 (HOL) - Hoggaanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay in maxbuus Faysal Cabdi Bootaan ay la wareegeen laamaha amniga iyo cadaallada maamulka SSC-Khaatumo.

8/28/2023 1:29 AM EST
Isniin, Agoosto, 28, 2023 (HOL) - 6 kamid ah tobbanka urur siyaasadeed ee dhawaan la aasaasay, ayaa diiday go'aankii khilaafka doorashooyinka Somaliland ay kasoo saareen hoggaanka beesha Habar-jeclo.