6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2023
Hoggaanka Beesha Habar-jeclo oo go'aan kasoo saaray jabhada buurta Gacanlibaax
 

Axad, Agoosto, 27, 2023 (HOL) - Hoggaanka Beesha Habar Jeclo ayaa beesha Garxajis ugu baaqay in ay bixiso magta askartii ay jabhadu laysay, isla markaana muddo 5 cisho ah ay jabhada buurta kaga soo dajiyaan.

Waxay sheegeen in qudh iyo qoonba wixii ay jabhadu gaysatay ay bixiso beesha Garxajis, isla markaana ay magta askartii la laayay tahay 120 halaad oo la rabo in 3 billood gudahood ay beeshu bixiso.

Waxa kale oo ay beesha kusoo rogeen in ay bixiso 50 halaad oo ganaaxa, oo laga bixinayo askarigii inta ay jabhadu dishay kadibna uu mid ka mid ahi madax kaga istaagay, ficil kaasi oo bulshada ka dhex abuuray cadho.

Waxa kale oo ay beesha Garxajis fareen in ay muddo 5 cisho ah buurta kaga soo dajiyaan jabhada buurta Gacan libaax, isla markaana wixii gaadiida ee ay dhaceen gacanta xukuumada lagu celiyo, isla markaana cafis loo fidiyo jabhada.

Hadaba, waxa laga war sugayaa hadii dhinacyadu ay sideeda u hirgalin doonaan go'aanka ay soo saartay beeshu iyo in la qaadici doono.