Xuquuqda Sawirada Beerlula Radio
Jimco, April, 7, 2023 (HOL) - Webiga Shabeelle ee dhaxmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta
gobolka Hiiraan ayaa wada biyo aad u farabadan oo cabsi badan ku beeray
dadka ku nool xaafadaha magaalada Baledweyne.
newsinsideBiyahaan
aadka u badan ee uu keenay wabiga Shabeelle ayaa yimid, kadib markii
daadad badan oo ka dhashay roobab lixaad leh oo ka da'ay dhulka dowlad
deegaanka Soomaalida ay kusoo rogmadeen Wabiga.
Heerka
lagu cabiro biyaha Wabiga ee dhexmara Baledweyne ayaa hadda gaaray
meeshii ugu sareysay, waxaana laga cabsi qaba inuu fatahaad sameeyo
Wabiga Shabeelle.
Hay’adda
cunada iyo beeraha ee FAO iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa si wada jir
ah ugu baaqay shacabka ku nool xaafadaha Baledweyne iney ka
feejignadaan fatahaad uu sameyn karo webiga Shabeelle ee dhaxmara
Baledweyne.
Si kastaba ha
ahaatee waxaa xusid mudan in dadaalada biyo xireenada ee horay looga
hirgeliyay Baledweyne iney wax badan ka tareen fatahaadii uu geysan
jiray webiga Shabeelle marka uu gaaro heerka uu haatan marayo oo sababi
jirtay in laga barakaco Baledweyne.







