9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 30, 2023
Dowladda Soomaaliya oo dalka kusoo celisay 123 muwaadin oo colaadda Sudan ay saameysay

Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo axad ah dalka ku soo celisay 123 muwaadin oo ku xanibnaa dalka Sudan kuwaas oo u badan Ardey.

78 kamid ah muwaadiniintan ayaa la geeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, halka 45 kalena laga dajiyay Magaalada Garoowe.

Muwaadiniinta oo safar dhulka ah ku tagay Ethiopia ayaa laga soo qaaday Magaalada Addis ababa.

Masuuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya ayaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay 78-ka ruux, halka ay 45 kalena Garoowe ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Waa markii labaad oo dowladda Soomaaliyeed ay dalka ku soo celiso Muwaadiniin ka soo baxsaday dagaalada ka socda dalka Sudan, halkaas oo ay weli Soomaali badan ku sugan yihiin, kuwaas oo dowladdu ku boorisay inay safar dhulka ah ku tagaan xadka Ethiopia, si halkaas looga soo qaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey dalka u keentay ku dhawaad 30 muwaadin oo laga soo qaaday dalka Koofurta Sudan, oo ay u baxsadeen.












Click here
4/30/2023 7:31 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ahna sanator katirsan qalka sare ayaa uga digay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, inuu furo dastuurka maamulkiisa.

4/30/2023 3:46 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidamada dib u xureynta deegaanka ayaa howlgalo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ka sameeyay sacaadahi lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

4/30/2023 2:28 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay in uu yahay nacas wayn kadib markii uu siyaasigu xukuumada Somaliland ku dhaliilay sida ay uga jawaabtay kacdoonka Laascaanood.

4/30/2023 2:17 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Nimco Cabdiwali Cismaan oo ahayd 16 sano jir xaas ah, ayaa la kufsaday kaddibna tooreey ayaa lagu dilay, sida uu warbaahinta ka sheegay Aabbaheed oo lagu magacaabo Cabdiwali Cismaan.

4/30/2023 2:13 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa Xalay guuldaro kala kulmay kulan xiiso badnaa oo ay Xalay la ciyaareen dhigooda 17 jirada dalka Algeria oo ah martigaliyaasha Koobka qaramada qaaradda Afrika.