9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 30, 2023
Senator Cabdiraxmaan Faroole oo uga digay madaxweyne Deni in uu dastuurka Puntland furo

Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ahna sanator katirsan qalka sare ayaa uga digay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, inuu furo dastuurka maamulkiisa.

Cabdiraxmaan Faroole oo hoggaamiye ka ah urur siyaasadeedka mucaaradka ee Horseed, ayaa sheegay in ay caaqib xumo ka dhalan karta furitaanka dastuurka Puntland, isagoo sheegay in Puntland ku sugan tahay marxalado siyaasadeeed oo xasaasiya.

Faroole wuxuu sheegay in aanay xilligan jirin daruufo aan laga fursan karin oo qasbaya in dastuurka la furo.

Madaxweynihii hore Puntland wuxuu Deni ku eedeeyay inuu danaha sii joogitaanka kursiga madaxweynaha awgeed u doonayo inuu dastuurka u furo, si uu wax uga beddelo qodobo damaciisa ka hor imaanaya.

Hadalka Faroole ayaa kusoo aaday, iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in madaxweyne Deni uu dhawaan isugu yeeray ururada siyaasadda, isagoo kala hadlay in dastuurka la furo, si ururada kusoo baxaya doorashooyinka dowladaha hoose looga dhigo shan.

Halka dastuurka uu qorayo saddex urur siyaasadeed.

Deni ayaa lagu eedeeyay inuu ka damacsan yahay qorshahan, in shanta urur siyaasadeed ay go’aamiyaan nuuca doorasho ee 2024, ama in muddo kororsi ay u sameeyaan maamulkiisa, arrintaas oo siyaasiyiinta mucaaradka aad uga soo horjeedaan.












Click here
4/30/2023 8:49 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo axad ah dalka ku soo celisay 123 muwaadin oo ku xanibnaa dalka Sudan kuwaas oo u badan Ardey.

4/30/2023 3:46 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidamada dib u xureynta deegaanka ayaa howlgalo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ka sameeyay sacaadahi lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

4/30/2023 2:28 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay in uu yahay nacas wayn kadib markii uu siyaasigu xukuumada Somaliland ku dhaliilay sida ay uga jawaabtay kacdoonka Laascaanood.

4/30/2023 2:17 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Nimco Cabdiwali Cismaan oo ahayd 16 sano jir xaas ah, ayaa la kufsaday kaddibna tooreey ayaa lagu dilay, sida uu warbaahinta ka sheegay Aabbaheed oo lagu magacaabo Cabdiwali Cismaan.

4/30/2023 2:13 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa Xalay guuldaro kala kulmay kulan xiiso badnaa oo ay Xalay la ciyaareen dhigooda 17 jirada dalka Algeria oo ah martigaliyaasha Koobka qaramada qaaradda Afrika.