9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 30, 2023
Ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta oo burburiyay Saldhigyo Al-shabaab ku laheyd Shabeellaha Dhexe

Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidamada dib u xureynta deegaanka ayaa howlgalo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ka sameeyay sacaadahi lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada is garabsanaya ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay deegaanka Ceel Cali godle iyo deegaano kale oo dhinaca Waqooyi kaga beegaan deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada howlgalka fuliyay ayaa Warbaahinta qaranka waxay u sheegeen in howlgalada ay ku burburiyeen Saldhigyo ciidamada Al-shabaab ku lahayeen deegaanadaasi oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada.

Waxay sidoo kale sheegeen saraakiisha iney sii wadayaan howlgalada noocaan ah oo ay kula dagaalamayaan kooxda Al-shabaab ilaa inta ay ka xureynayaan  deegaanada ay kaga sugan yihiin Shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa haatan kawada qeybo ka mid ah gobolada dalka wajiga labaad ee howlgalada lagu doonayo in Al-shabaab dalka looga xureynaayo.












Click here
4/30/2023 8:49 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo axad ah dalka ku soo celisay 123 muwaadin oo ku xanibnaa dalka Sudan kuwaas oo u badan Ardey.

4/30/2023 7:31 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ahna sanator katirsan qalka sare ayaa uga digay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, inuu furo dastuurka maamulkiisa.

4/30/2023 2:28 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay in uu yahay nacas wayn kadib markii uu siyaasigu xukuumada Somaliland ku dhaliilay sida ay uga jawaabtay kacdoonka Laascaanood.

4/30/2023 2:17 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Nimco Cabdiwali Cismaan oo ahayd 16 sano jir xaas ah, ayaa la kufsaday kaddibna tooreey ayaa lagu dilay, sida uu warbaahinta ka sheegay Aabbaheed oo lagu magacaabo Cabdiwali Cismaan.

4/30/2023 2:13 AM EST
Axad, April, 30, 2023 (HOL) - Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa Xalay guuldaro kala kulmay kulan xiiso badnaa oo ay Xalay la ciyaareen dhigooda 17 jirada dalka Algeria oo ah martigaliyaasha Koobka qaramada qaaradda Afrika.